Dagaalka Iiraan iyo Yahuuda – Maraykanka oo galay maalintii shanaad

Digniino duqeyn ah ayaa ka yeeray guud ahaan dhulka Yahuuda xooga ku haysato iyadoo dadku u ordeen goobaha gabaadka, kadib markii gantaallo ay Iiraan soo riday ay sababeen qaraxyo waaweyn oo ka dhashay isku-dayga difaacyada cirka. Dagaalka Maraykanka iyo Yahuuda ee ka dhanka ah Iiraan ayaa galay maalintiisii shanaad. Meelo badan oo Iiraan ah ayaa la garaacay, halka Tehran ay fulinayso weerarro aargoosi ah oo ka socda guud ahaan gobolka.

Yahuuda ayaa soo saartay digniino aroortii Arbacada, iyadoo ku amartay shacabka Yahuuda inay u dhaqaaqaan goobaha gabaadka, kadib markii gantaallo laga soo riday Iiraan, isla markaana nidaamyada difaaca ay ku hawlanaayeen in ay qabtaan, amarka gabaadka wuxuu saameeyay magaalooyinka Qudus, Tel Aviv, iyo meelo kale oo dhulka ay Yahuuda xooga ku haysato kamid ah.

Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Yahuuda ayaa sheegtay inaysan helin wax war ah oo ku saabsan khasaaro nafeed. Sida ay sheegtay warbaahinta Yahuuda, qaybo bir ah oo ka dhashay gantaallada la qabtay ayaa ku dhacay deegaanka Beit Shemesh, oo ah magaalo ku taalla galbeedka Qudus, halkaas oo laba maalmood ka hor gantaal ama bir qaraxday ay dishay sagaal Yahuud ah.

Ciidanka gumaystaha Yahuuda ayaa sidoo kale saacado ka hor soo sheegay in Iiraan ay mar kale gantaallo soo riday.

Tehran ayaa sii wadda weerarrada aargoosiga ah ee gantaallada iyo drones-ka ee ka dhanka ah Yahuuda iyo guud ahaan Khaliijka, iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in dagaalku socon karo ilaa hal bil.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay inay qabatay oo burburisay laba gantaal oo nooca cruise ah, kuwaas oo lagu arkay hawada gobolka al-Kharj.

Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca Kuwayt ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay qabteen oo burburiyeen dhowr gantaalo ah oo soo galay hawada dalka subaxnimadii hore.

Qaraxyo ayaa laga maqlay Tehran Arbacadii, iyadoo militariga Yahuuda uu sheegay inuu fuliyay weerarro isdaba-joog ah oo ka dhacay caasimadda Iiraan, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamadeeda.

Waxay sheegeen inay garaaceen dhismayaal la xiriira Basij, oo ah ciidan mutadawiciin ah kana tirsan Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

Ciidanka gumaystaha Yahuuda ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen dhismayaal la xiriira taliska amniga gudaha ee Iiraan.

Ugu yaraan 787 qof ayaa lagu dilay guud ahaan Iiraan weerarrada wadajirka ah ee Maraykanka iyo Yahuuda, sida ay sheegtay Ururka Bisha Cas ee Iiraan.

Maqaalo Kale